Category Archives: Admin

Sidee Gobollada SSC Looga Xusay Maalinta Qashin Gurka Ee 18ka May- (Sawiro+Maqal)-

18may Buhoodle,(Allsanaag)- Munaasibadan balaadhan oo lagu maamuusayey 18ka May oo ku beegan maalinta nadaafada deegaanka iyo qashin gurka gobollada SSC..ayaa maanta waxay ka dhacday magaalada Buuhoodle iyo dhamaan gobollada SSC.

Read the rest of this entry

Qarax Gilgilay Caawa Magaalada Laascaanood.

Laascaanood(AllSanaag): Warar Hada naga soo gaadhay Magaalada laascaanood ayaa ku soo Waramaya in Goordhawayd oo Caawa Fiidkii ah Magaaladaasi uu ka dhacay Qarax lala beegsaday Guri Kuyaal Magaalada Laascaanood, Gurigaasi ayaana Waxa lala beegsaday Bambaano Nooca gacanta laga tuuro ah oo Gurigaasu lagu Weeraray.

Read the rest of this entry

Abti doon Abaaraha iyo Dagaalka ayaa loo Baajiyey Doorashada Madaxda sarsare ee KMG

 

Muqdisho:Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon, Wasiiru Dowlaha Difaaca ee Dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay in abaaraha iyo dagaalka ka jira Soomaaliya darteed ay dowladdu baajisay doorashadii Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka oo la qaban lahaa bisha Agoosto. Read the rest of this entry

Faahfaahin dheerad ah qaraxii lala beegsaday gudomiye kuxigeenka gobolka Sool

Halkana waxaanu idiinku soo tabinaynaa vedio ku saabsan qaraxii lalal beegsaday gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sool Maxamed Aadan faytamiin isagoo faahfaahin dheeraad ahna laga bixin doono..

Shirkii London Ee Khaatumo Oo Si Rasmi Ah Maanta U Furmay

Shirkii loogu magac daray Khaatumo ayaa saaka 10 kii subaxnimo si rasmi ah uga furmay Hoteelka Holiday Inn ee magaalada London Read the rest of this entry

Qarax lala beegsaday gaadhiga gudoomiyaha gobolka Sool Ee maamulka Somaliland

qarax lala beegsaday G/Gsool.

Qarax miinada sida la sheegay gacanta laga hago ayaa lala beegsaday gaadhiga gudoomiyaha gobolka Sool 12kii duhurnimo iyo rubuc waqtiga Laascaanood isagoo marayey koonfureed magaaladda.

Baabuurka oo uu waqtigaas saaraa gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maxamed Aadan Cartan ayaan wax dhibaato oo weyni soo gaadhin balse gaadhiga ay gaadheen dhaawacyo qaybo ka mid ah.

Dad ku dhowaa goobta qaraxu ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen in Gudoomiye ku xigeenku uu ku sii wajahnaa gurigiisa qaraxana la dhigay wadada loo maro guraga balse xawliga gaadhiga oo dheeraynayey uu dhaafay goobta wax yaaleen.

Qaraxan oo ahaa mid aad u weyn ayaa laga maqlaayey dhamaan daafaha magaaladda iyadoo uurada uu kiciyeyna meelfog laga arkaaeyey balse uu qasaarihiisu ahaa mid aan badnayn.

Weerarka lagu hayo madaxda Gobolka ayaa ah mid iska joogto ah iyadoo ilaa hada 9 masuul ay gaadhayaan kuwo dhintay iyo kuwo dhaawac ahba, mana jirto ilaa hada cid lagu helay wax denbi ah oo maxkamad loo soo taagey.

Contact us:- webmaster@allsanaag.wordpress.com

Baxsadka Booliska Laga Keeno Hargeysa Oo Ku Batay Laascaanood

Baxsadka Booliska

Maamulka la baxay Somaliland ayaa Khaati ka taagan Askarta ka tirsan Ciidanka Booliska ee loo diro Magaalada Laascaanood.. ee u baxsanaysa dhanka Hargeysa iyo magaalooyinka galbeedka Soomaaliya.

ninka Maamulka labaxay Somaliland ugu magacaaban Taliyaha Booliska ayaa xusay in Maxkamad lasoo taagi doono askar Boolis ah oo tiradooda lagu qiyaasay 34 askari oo dhowaan ka cararay Magaalada Laascaanood, kadib markii ay bishii lasoo dhaafay ay koradhay dilalka lala beegsanayo raga u shaqeeya Maamulka la baxay Somaliland.

Waxa jirtay in Ciidamo badan oo laga Keenay Hargeysa ilaa Ceerigaabo xiliyadii Mudaharadada xoogga badani ka socdeen Magaalada Laascaanood ay badidoodu ka baxsadeen fadhiisimadii lagu ururiyey, kadib markay ogaadeen in Maamulkooda aan laga jeclayn Magaalada Laascaanood. Lama oga Xukunka lagu ridi doono askartaas ka baxsatay Magaalada laascaanood oo badidoodu ay haatan ku suganyihiin Magalaadda Hargeysa, waxase taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka la baxay Somaliland uu hoosta ka xariiqay in dhowaan la Maxkamadeyn doono askartan ka soo carartay Laascaanood iyadoo waraar hordhac ah ay sheegayaaan in maxkamad la saaray iyaga iyo nin shacab ah oo qaaday ciidankaas