Sidee Gobollada SSC Looga Xusay Maalinta Qashin Gurka Ee 18ka May- (Sawiro+Maqal)-

18may Buhoodle,(Allsanaag)- Munaasibadan balaadhan oo lagu maamuusayey 18ka May oo ku beegan maalinta nadaafada deegaanka iyo qashin gurka gobollada SSC..ayaa maanta waxay ka dhacday magaalada Buuhoodle iyo dhamaan gobollada SSC.

Xuska 18-ka May ayaa waxaa maanta ay si wayn ugu qabsoontay guud ahaanba gobollada SSC, waxaana xuskan 18-ka bisha May laga xusay magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Waxaa xuskan maanta ka qayb qaatay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulsho weynta reer Buhoodle,dadkii maanta lagu arkayey fagaarayaasha magaalada buuhoodle ee ku hawlanaa ololaha nadaafada ee gobollada ssc ayaa waxaa ka mid ahaa ururka dhalinyarada, kuwa haweenka iyo bulsho wayn kale oo iyana iskood isku xilqaamay.

Munaasibadan maanta ayaa waxaa iyana ka qayb qaatay qaarka mid ah golaha khusuusida SSC oo iyadoo maanta la arkayey iyagoo ku hawlan xuska maalinta qashinka ee bishan May.

Isku soo wada duuboo xuska 18-ka bisha may ayaa waxaa uu kusoo aaday xili magalada Buuhoodle uu ka da’ayo roobkii guga oo hadii aan nadaafada magaalooyinka SSC kor loo qaadin ay suurta gal tahay in ay biyaha jiiffa suuqayada ay ka dhalan karaan cudurada faafa.

Barnaamijkan hoose waxaad ku maqli doontaan Waraysiyo aanu ka qaadnay Col. Cali Sabarey oo ah Ku xigeenka Hogaanka SSC iyo xuno kale oo ka tirsan Khusuusiga SSC iyo qaybaha bulshada ee kala duwan. dhegaysi wacan..

Posted on May 19, 2011, in Admin. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: